Yaa lagu badali doona Sanbalooshe iyo Saacid ?

Golaha Wasiirada Fadaraalka oo kulan deg-deg ah iskugu yimdi goor dhawayd,ayaa xilkii ka qaaday Talyihii Nabadsugida iyo Talyihii Booliska Fadaraalka Saacid iyo Sanablooshe.

Saraakiishan ayaa waxay eersadeen qaraxyada isdaba jooga ah ee ka dhacaya Xamar,kuwaasoo uu ugu danbeeyay labadii Qarax ee shalay ka dhacay Hotel Naasa-hablood-2.

Xogo muhim ah oo lagu kasloonaan karo,ayaa idilnews u xaqiijiyay in Talyayaasha xilalka laga qaaday lagu badali doono kuwa kasoo kala jeeda Beelaha Majeerteen iyo Abgaal.

Sida xogtu sheegayso Talyaha Booliska ayaa booskiisa la gayn doonaa Masuul kasoo jeeda beesha Abgaal halka booska Talyaha Nabadsugida la gayn doono Masuul kasoo jeeda beesha Majeerteen.

 

La soco wararkayaga danbe iyo xogaha kasoo kordha.