Baarlamaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo Kulan Iskugu imaanaya maanta

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wada iney iskugu yimadaan kulaan Magaaladda Muqdisho oo xarun u ah.

Kulanka maanta xildhibaanada ayaa Ajandihii u yahay ka doodista xeerka Batroolka oo ay so diyaarisey Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya,ayaa Xildhibaanada ka hor aqrin doono hindise sharciyeedka batroolka, iyada oo sidoo kale Wasiirka uu sharaxaad ka bixin doono ahmiyada sharcigan iyo sida ay Wasaaradiisa u soo diyaarisay.

Akhrinta ka dib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ayka doodi doonan hindise sharciyeedkaas.

Dhanka kale Hindise shrciyeedkan,ayaa waxaa ka hor yimid Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka,iyagoo horay usheegay in hindisahan uu wato Rw Khayre oo dulaal weyn u ah shirkad shidaalka qoda oo Norway laga leeyahay iyo shirkada kale ee Som Oil oo uu madax ka ahaa ka hor qabashada xilka Ra’isalwasaaranimada.