Dagaalamayaashii fuliyay weerarkii Hotel Naasa-hablood Oo la sheegay in ay…

Jariidada kasoo baxda dalka Britten ee The Gurdian ayaa daabacday in Dagaalamayaashii Al-shabaab ee 5-ta ahaa ee gudaha u galay Hotelka Naasa hablood-2 ay gashanaayeen dharka ciidanka Nabad sugida Fadaraalka Soomaaliya ee NISA.
 
kooxda hubaysan ee gudaha u gashay Hotelka ayuu wargeysa tilmaamayaa inay adeegsadeen kaararka aqoonsiga ee sirdoonka dalka si ay ugu suurta gasho galitaanka Hotelka qaraxa kadib.
 
Dagaalamayaasha oo xirna dharka NISA ayaan laga muujin wax shaki ah si ay gudaha u galaan Hotelka.
 
Wargeyska The Gurdian aayaa wareystay Corneel Axmed Yare oo saraakiisha sirdoonka Soomaaliya ka tirsan waxana uu yiri ..
 
”Waxay haysteen kaararka aqoonsiga oo leh macluumaad cad oo ay ka mid yihiin magacyada, darajooyinka iyo sawirrada,suurta gal uma ahayn sarkaal boolis ah inuu ragaasi is hortaago ama udiido inay Hotelka galaan”
 
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas.