Maamulka dowlada hoose Ee Qardho Oo bilaabay dhul banayn

Maamulka dowlada hoose iyo Talyaha Qaybta Gobolka Kar-kaar oo saaka howlgal lagu banaynayo dhul dowladu leedahay oo shacab rukumaystay ka sameeyay agagaarka jaamacada EAU iyo ceelka Qaawane.
 
Waxaa la burburiyay dhamaan rukumadii la dhigtay dhulka iyadoo dhagixii lagu daadiyayna laga baneeyay goobta.