Maxaa Ka Cusub Kurdiyiinta Ciraaq?

Madaxwaynaha Kurdiyiinta Ciraaq Masoud Barzani, ayaa jeediyay khudbad kulul ka dib markii ay baarlamaanka gobolkaasi ka aqbaleen codsigiisii ahaa in uu xilka ka dago.

Khudbad uu si toos ah uga jeediyay Telefishinka, Mr Barzani waxa uu sheegay in aysan jirin cid garab istaagtay Kurdiyiinta ka dib codeyntii madaxbanaanida ee bishii aanu soo dhaafnay.

Mr Barzani ayaa carabka ku adkeeyay in marnaba aan la baab’in doonin natiijada aftidaasi.