Sawiro:-Daawo deegaan xeebeedka Garacad Ee Puntland

Deegaan xeebeedka Garacad oo kulaala badweynta Hindiya ( indian ocean ) Wuxuu 260KM dhanka bari ka xigaa Gaalkacyo oo xarrun u ah Gobolka Mudug.

Garacad waxay degmo ahaan hoostagtaa Degmada Jariiban oo ay u jirto masaafo dhan 64KM waa deegaan xeebeed ay ku nool yihiin dad badan.

Bahda IDILNEWS ayaa booqasho ku tagtey 24 bishan October si ay u soo arkaan hormarka ka socda deegaanka Garacad,waxayna la kulmeen waxgaradka iyo odoyaasha deegaanka oo xiligaas ku faraxsanaa Nolosha deegaanka iyo hormarka uu gaaray sanadihii dambe.

Horumarka ka socda deegaanka waxaa ka mid ah xarrumo ay ka furteen wasaaradaha kala ah , Wasaarada Maaliyada,Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha,Wasaarada dekadaha iyo Wasaarada Garoomada Puntland, sidoo kale waxaa odoyaasha iyo dadka deegaanku waxay dadaal dheer ugu jirraan sidii Dekad looga dhisi lahaa Garacad.

Odoyaasha deegaanka ayaa baaq dheer u diray cid walba oo danaynasa horumarka deegaanka waxayna ugu baaqeen in ay ka qayb qaataan dhismaha la doonayo in Garacad Dekad caalami ah ay yeelato.

 

 

 

 

Halkaan hoose ka Daawo Sawirada Garacad:-