SAWIRRO. Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Oo La Kulmay Safiirka UK Ee Soomaaliya.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabey  Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka wadanka Ingiriiska u dhafiyay Soomaaliya Ambassador Mrs Mary shockledge

Kulanka oo ka dhacay safaarada wadanka UK ee Soomaaliya ayaa Madaxweyne ku xigeenku waxaa uu kala hadlay safiirka Xaalada Galmudug iyo Guud ahaan Soomaaliya.

Mas’uuliintaan kulankooda oo saacado qaatay qodoba ay uga hadleen waxaa ka mid ahaa, in UK dhanka amniga Galmudug ka taageerto, xal u helidda siyaasadaha isdiidan ee ka dhax jira madaxda Galmudug, shirka hogaanka maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe ee hadda kasocda Muqdisho iyo in il gaara ay safaaraddu u yeelato qodobada kasoo baxa iyo dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed u geysteen qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay u baahayihiin dhanka amniga in laga gacansiiyo oo loo tababaro ciidamo tayo leh kana shaqeeya nabadgelyada Galmudug.

Ambassador Mrs Mary shockledge, safiirka wadanka UK ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay arimo badan ka caawiyaan Soomaaliya Galmudugna ay ka mid ah Dowlad goboleedya dalka ka jira iyadoo tilmaamtay ina ka gacan sii doonaan dhicana amniga.

SAWIRRO.