Video:-Dhalinyarada Jubaland Oo loo dhisayo dalad ay ku midaysan yihiin

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dawlad goboleedka jubaland ,ayaa sheegtay in ay qabannayso 1 December ee dhamaadka sanadkan aan kuguda jirno ,doorashada gudoomiyayaasha ururada dhalinyarada ee Gobolada Jubada hoose jubada dhexe iyo Gedo.markii hore waxaaa Jiray Hal Gudoomiye Mideeya Ururadda dhalinayarada Deegaamadda Jubalad,balse Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubaland ayaa sheegtay in meesha uu ka baxayo gudoomiyihii midaynayey dhamaan Ururada dhalinyarada,waxayna wasaaradu sheegtay in maamullada dhalinyarada Sadexda Gobol ay wasaarada si toos ah u hoos imaan doonaan .
.
Agaasimaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland,ayaa ugu horayn halkaa ka hadlay,ayaa yiri.
 
“Maanta waxaan halkaan ku iclaaminaynaa in dhawaan la qabanaayo doorashadii ururada dhalinyarada Gobollada Jubbaland “.
 
Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowllad Gobolleedka Jubaland ayaa yiri.
 
“Waxaa batay Isqabqabsiga Ururada Dhalinyrada ee Sadex Gobol sidaa darteed , Wasaarada dhalinyarada iyadoo arinta xal u Raadinaysa waxaa ay go,aansatay in Gobol kasta uu si toos ah u yimaado wasaarada “.
 
Wasiirka wasaarada dhalinyarada ciyaaraha,ayaa sheegay markii la gaaro Xiliga Doorashada Ururada dhalinayarada in Gobolladda aan Xorta ahayn ay magaallada kismaayo kaga Qayb galayaan doorashada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka