Video:- Ugaas Maxamuud Oo Si Weyn Lagu Soo Dhaweeyey Magaaladda Garoowe.

Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi ayaa maanta waxaa Magaaladda Garoowe ee Caasumadda Dowladda Puntland ku soo dhaweyey Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntlad Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne Isimada Puntland iyo shacabka qeybahooda kala duwan.

Waxaa Munasabada lagu soo dhaweynayey Ugaaska ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi isagoona sheegay in Ugaasku yahay nin dhaliyaaro ah lagana raabo isku keenida shacabka Puntland.

Madaxweyne Ku xigeeka Dowladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo Madasha ka hadlay ayaa sheegay Ugaaska Abbihii inuu ahaa nin wanaag illahay u dhameyey wiilkisana sidii abbihii oo kale ay ka filayaan inuu noqdo.

Ugu danbeena Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdillaahi ayaa u mahad celiyey dhamaan shacabka Garoowe ee soo dhaweeyey isagoona intaa ku darey in uu mar walba ka shaqeeyn doona midnimada shacabka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

                                                   Halkan ka Daawo muuqaalka