Heshiis Ku-Meelgaar ah oo Laga Gaaray Xirnaanshaha Dekeda Bosaso

Waxaa maanta oo khamiis ah heshiis ku-meelgaar ah wada gaaray dowladda iyo ganacsatada Puntland ee badeecadaha kala soo dega kana dhoofiya Dekeda weyn ee Magaaladda Bosaso.
 
Qodobada heshiiska ay wadagaareen Wasaaradda Dekedaha Puntland, Wasaaradda Maaliyadda oo isku dhinac ah iyo ganacsatada waxaa kamid ah:-
 
-In dekedu ku shaqayso nidaamkii hore.
 
-In khidmaha laga qaadayo gaadiidka ay noqdaan sidii hore
 
In shir saddex geesood ah ay wada yeeshaan wasaaradda, Ganacsatada iyo shirkadda P&O port ee lagu wareejiyay Dekeda, shirkaasi oo lagaga niqaashi doono isbedelka ku yimid nidaamka dekeda iyo khidmadaha.
 
Wasiirka Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage oo waraysi siiyay Idaacadda daljir wuxuu ku eedeeyay Ganacsatada iyo arbaabada doonyaha inay masuul ka yihiin xirnaanshaha dekeda Bosaso, waxuuna cadeeyay in aan wax badan lagu kordhin khidmadihii laga qaadi jiray gadiidka ku soo xirta dekeda.
 
 
 
Halkan ka akhriso heshiiska:-