Hogaamiyayaasha Catalonia oo maxkamad lasoo taagay

Koox ka mid ah hogaamiyayaasha gobolka Catalonia ee dalka Spain, ayaa maanta kasoo muuqday laba maxkamad oo ku taalla magaalada Madrid, si ay uga jawaabaan eedeymo ku saabsan kacdoon, qiyaano qaran iyo xatooyo la xiriira xoriyadda uu doonayo gobolka.
 
Xubnaha maanta maxkamadda lasoo taagay ayaa waxaan ku jirin hoggaamiyihii la eryey ee Catalonia Carles Puigdemont, kaasi oo toddobaadkan ku sugnaa magaalada Brussels, kadib markii uu diiday amarkii maxkamadda ee ahaa inuu horyimaado.
 
Waxa uu ku gacan seeray eedeymaha oo uu ku sheegay kuwa siyaasad ay ka dambeyso, wuxuuna sheegay inuu Spain kusoo laaban doono kaliya haddii loo damaanad qaado in hanaanka sharci uu noqon doono mid dhex dhexaad ah oo aan dhinac u janjeerin.
 
Afhayeen u hadlay xisbiga tala dalka Spain haya ee Popular Party ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in guul-darrada Carles Puigdemont ee ah inuu horyimaado maxkamadda ay keeni doonto in ay soo saaraan amar xarig oo ay ku dalbanayaan in lasoo masaafuriyo.
 
Dacwad oogayaasha dalka Spain ayaa dacwad ka diiwaan geliyey 14 ka mid ah hogaamiyayaasha Catalonia oo uu ku jiro Carles Puigdemont.
XIgasho VOA