Jeneral Saacid Oo xilkii Booliska Fadaraalka wareejiyay

Xaflad ka dhacday xarunta akademiyada booliiska ayaa xilkii Talyanimo ee ciidanka booliiska lagu wareejiyay kusimaha Talyaha ahna Talye xigeenka koowaad ciidanka Booliiska sareeye guuto Muqtaar Xuseen Afrax.
 
Jen. Saacid ayaa ku sheegay Jen. Mukhtaar inuu yahay nin howlkar ah, islamarkaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidamada.
 
Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu halkeeda ka sii wadayo shaqadii Booliska, waxaana uu faray Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan.
 
Waxaa lagu wadaa in dhawaan Taliye cusub la soo magacaabo, waxaana xilka Taliyaha Booliska ugu jira loolan Saraakiil ciidan oo horay xilal u soo qabtay.