Maraykanka Oo Walaac xoogan ka qaba lacagta usiiyo dowladda Fadaraalka Soomaaliya

Kadib  War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska  Laanta dabagalka gargaarka Mareykanka ee dibadda ayaa lagu sheegay in uu jiro Walaac xoogan oo  laga  qabo in lacagta la siiyo dowladda Soomaaliya loo leexiyo Dhanka Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Laantaan,ayaa waxaa ay sheegtay in  sababta aysan ugu soo laaban warbixinnada la xiriira kaalmada Mareykanka  ee Soomaaliya iyada oo aan laheyn warbixin ku saabsan Nidaamka loo maareeyay gar-gaarka  Mareykanka ee Soomaaliya,cidda qaadatay oo aan la caddeyn iyo sababaha ay ku baxaan oo aan soo laaban,sida lagu sheegay warbixin ka kooban 34 Page Ama Bog oo lagu qiimeynayay Habka loo maamulo kaalmada uu soo dhiibo mareykanka,islamarkaana ay sameynayeen koox Baarayaal ah

Sidoo kale Baryaashan ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in lacagtaas qeyb ka mid ah ay si dadban ku gaartay Dagaalamayaasha Al-shabaab,Balse aan la ogeyn Habka ay ku baxday lacagtaas.

Baarayaashaan waxay tilmaameen inay suurtagal tahay in Al-Shabaab gacanta u gashay qeyb kamid ah dhaqaale loogu talo galay illaa 6,509 askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya, sida warbixntaan lagu faahfaahiyay.

Dowlada mareykanka ayaa sheegtay inay il gaarka u yeelan doono gar-gaarka ay siiso Dowlada Soomaaliya,maadaama ay ka cabsi qabaan in dhaqaalaha ay soo dhiibaan Mareykanka loo Gacan geliyo Dagaalamayaasha Al-Shaabaab.

Balse Waa  markii ugu horeysay  oo dowlada mareykanka ay Walaac ka muujiso dhaqaalaha ay siiso dowladda Soomaaliya in uu gaaro dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya iyo in si qaldan loo maamulo dhaqaalahaasi.