Maxay ku dambayn doontaa Daacish kadib Ciraaq iyo Suuriya?

Hay’adda Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah ayaa dalalka adduunka ugu baaqday in aanan la hilmaamin bini’aadanimada marka lala macaamilayo maxaabiista tirada badan ee laga qabtay kooxda Daacish.
 
Ku xigeenka madaxa ICRC ee Bariga Afrika Patrick Hamilton ayaa sheegay in adduunyada ay ku qasbantahay in la raaco sharciga caalamiga ah ee la dhaqanka maxaabiista dagaalka, wuxuuna diiday baaqyada ah in maxaabiista Daacish lagu dilo gaas.
 
ICRC ayaa durbaba xabsiyada ku booqanaysa illaa 1,300 dumar iyo caruur ah oo ka mid ah qoysaska dagaalyahanada Daacish meel u dhow magaalada Mosul, waxaana la rumeysanyahay in la qaban doono kuwa kale oo badan.
 
Hadalada Hamilton waxa laga yaabaa in ay jawaab u yihiin siyaasiyiin dhawaanahan hadalo jeedinayay, sida Rory Stewart oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Britain, kaas oo sheegay in dagaalyahanada Daacish ee dhalashada Britain haysta ay mudanyihiin in la laayo.
 
Waxaa hadalkaas oo kale tiri wasiirka difaaca Faransiiska Florence Parly, iyo sidoo kale ergayga Maraykanka u qaabilsan isbahaysiga la dagaalanka Daacish Brett McGurk.
 
Hadaladan ayaa waxa ay taageero ka heli karaan shacabka codka bixiya dalalka reer galbeedka, iyada dadkii ka badbaaday weeraradii Paris, London iyo New York ay jeclaan lahaayeen in gacan bir ah lagu qabto Daacish.
 
Illaa 30,000 dagaalyahano ajnabi ah ayaa la qiyaasayaa in ay Daacish ku biireen. Kuwaas oo haddii xitaa dhawr boqol oo ka mid ah ay kusoo laabtaan Yurub loo arko in ay tahay halis aad u weyn oo xagga amniga ah.
 
ICRC oo wakiil ka ah hirgalinta sharciga Ganeva ayaa sheegtay in dagaalyahanada Daacish lasoo qabto, la xiro, caddaalana la horgeeyo sida uu qabo sharciga.
 
Waxaa fikirkaas la qabta ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan xadgudubyada bini’aadanimada Agnes Callamard.
Waxa ay qabtaa in dhinacyada oo dhan ay geysteen xad gudubyo baahsan, aysana habboonayn in dhinac kaliya loo tiiriyo dhibaatada.
 
Agnes iyo Reed Browdy oo ka tirsan hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa waxa ay isku raacsanyihiin in haddii la fuliyo hadalkii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa in gaas iyo sun lagu laayo Daacish ay taas tirtiro karto caddaymo muhiim ah oo ku saabsan dambiyo dagaal oo la galay.
 
Waxay soo jeedinayaan in la helo hab lagula shaqayn karo dadkii Daacish ka tirsanaan jiray ee soo laabtay si loo ogaado runta waxa ay tahay, qoysaskii dhibaatada ku dhacdayna ay caddaalad u helaan.
 
“Xaq ayaan u leenahay in aan wax ogaano wixii dhacay, sida ay Daacish u shaqayso si taariikhda ay u qorto, iyo cidda qarashka siisa” ayay tiri Agnes.
 
Inkasta oo ciribtirka Daacish iyo kooxaha kale ay u muuqato xal lala dhoco, haddane sida uu qabo Hamilton “Qaabka loosoo afjaro colaad ayay ku xirantahay nooca ay tahay nabadda ka dambeyn doonta” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in hadalada qalafsan ee siyaasiyiinta jeedinayaan ay uga sii dari karaan xaaladda hadda taagan.
 
“Sharcigeena waxa uu dhigayaa in xitaa dadka ugu arxanka daran ay helaan caddaalad£ ayay tiri Agnes iyada oo tusaale usoo qaadatay dagaalkii labaad ee adduunka iyo sidii loola dhaqmay dadkii geystay gabood falada.
Xigasho BBC.