Puntland Oo ku weerartay Saldhigyada kooxda Daacish Diyaaradaha aan duuliyuhu wadin

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee wax duqeeya ayaa saacadihii la soo dhaafay dukheeyay deegaano ay saldhigyo ku leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish-ta Puntland.
 
Duqeynta ayaa la sheegay in ay lagu bur buriyay Saldhigyo ay kooxda ku leedahay deegaan la yiraahdo Buqa oo ka tirsan Buuraha Gal-gala ee Puntland.
 
Sidoo kale deegaankaan ayaa ku dhaw degmada Qandalla ee Gobalka Bari ee puntland.
 
Dadka degaanka ayaa sheegay in la maqlay dhawaaqa Qaraxyo ka dhacaya diyaaradaha wax duqeeyay kuwaas oo lala eegtay Fariisamaha Daacish.
 
Diyaaradaha wax duqeeyay ayaa ka soo dul ka cay Maraakiib nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland ee loo yaqaan PMPF.