Twitter-ka Trump oo hawada laga saaray

Twitter-ka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee @realDonaldTrump, ayaa dhowr daqiiqo hawada laga saaray habeenkii khamiista.
 
“Ma jiro” ayaa ahayd fariinta ay arkayeen dadkii isku dayay inay galeen cinwaanka Trump uu ku leeyahay Twitter, waxaana uu hawada ka maqnaa 11 daqiiqo.
 
Shirkadda Twitter ayaa markii hore sheegtay in cinwaanka madaxweyne Trump uu ku tirmay qalad ay sameeyeen shaqaalaheeda.
 
Hase yeeshee, Twitter ayaa goor dambe bayaan ku sheegtay in cinwaanka madaxweynaha uu hawada ka saaray mid ka mid ah shaqaalaheeda, oo ku guda jira maalintii ugu dambeysay ee shaqadiisa.
 
“Waxaan arrintan ku sameeneynaa baaritaan buuxa” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Twitter.
 
Aqalka cad ee Mareykanka ayaan weli wax hadal ah ka bixin arrintan.