Video:-Dekeda Bosaso Oo dib u shaqo bilawday iyo murankii Oo lasoo afjaray

Waxaana La sheegay in la soo gaba-gabeeyay Khilaaf u dhaxeeyay Ganacstada iyo Shirkadda P&O oo Puntland ay 12-kii Bishii Hore ku Wareejisay Maamulka Dekedda.

Ilaa Saaka Boosaso Waxaa Ka socda Shirar u dhaxeeya Ganacstada iyo Dowladda iyadoona ay ka soo baxeen Qodobo Ay Kamid yihiin In dekedu ku shaqayso nidaamkii hore, Ilaa Muddo 10 Cisho Ah , In khidmaha laga qaadayo gaadiidka ay noqdaan sidii hore & In shir saddex geesood ah ay wada yeeshaan wasaaradda, Ganacsatada iyo shirkadda P&O port ee lagu wareejiyay Dekeda, shirkaasi oo lagaga niqaashi doono isbedelka ku yimid nidaamka dekeda iyo khidmadaha,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka