Maraykanka Oo sheegtay in ay fuliyeen weerarkii Daacish Ee Buuralayda Puntland

Taliska ciidamada maraykanka ee Afrika ayaa qoraal uu soo saaray waxay ku xaqiijiyeen in diyaaradaha maraykanka ay fuliyeen weerarkii dhinaca cirka ahaa ee lagu qaaday fariisimada kooxda argagixisada ah eee Daacish,kuwaasoo ku yaala deegaamo hoos taga gobolka Bari ee Puntland.
 
Dukhayntaas ayuu Talsiku sheegay in uu rumaysan yahay in lagu dilay xubno ka tiran kooxdaas.
 
Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay, in iyadoo iskaashi lala sameeyay dowladda Federaalka, Diyaaradaha Maraykanka ayaa laba jeer dukheeyeen saldhig kooxda Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.
 
Warkan ayaa meesha ka saaraya warar ay qoreen warbaahinta qaar oo ay ku jirto warbaahinta idilnews,kuwaasoo sheegayay in Ciidamada bada Puntland ay fuliyeen weeraradaas.
 
Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Africa.