Video:-Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa Ee Uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo Oo soo gaaray Somaliya

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lagu qiyaasay ilaa iyo kun askari oo wata ilaa iyo 30 gaari oo Ethiopian ah ay shalay iyo maanta ka soo gudbeen xuduuda Somaliya ee Doolow ee Gobolka Gedo.
 
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliya duulaan cusub oo uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka dhan ah al-Shabaab, kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Muqdisho.
 
Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hase yeeshee waxey ku gaabsadeen in ciidamo Ethiopian ah ay horey u joogeen gobolka, isla markaana uu socdo abaabulka duulaan xooggan oo ka dhan ah al-Shabaab.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamadan ka dalbaday Dowlada itoobiya socdaalksii uu ku tagay Adis-Ababa maalmo ka hor ka gadaal Qaraxii isgoyska Soobe ee lagu hoobtay,sidaanoo kale Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa iyaguna u codsaday Ciidamo itoobiyaan ah markii xaalku ku adkaaday.
 
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed,ayaa markii ay Dowladisiu awoodi wayday in ay ka hortagto khatartii kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab oo xiligaas hareereeyay Magaaladii fadhiga KMG ah u ahayd Dowladisii ee Baydhabo ka codsaday in Dowlada itoobiya ay ka gacan siiso la dagaalanka kooxdaas.
 
Dad badan oo ubadan Somalida Koonfurta ayaa xiligaas Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf alal ha unaxariistee ku tilmaamay khaa’inu wadan dalka soo galiyay cadawgii Somaliya,balse waxaa cadaatay in aan itoobiyaanka looga maarmin la dagaalnka Alshabaab hogaamiye walba oo dalka soo marana uu ku khasban yahay in uu wada shaqayn dhaw la yeesho,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka