Video:-Madaxweynaha Maraykanka Oo bilaabay booqashadiisa Dalalka Asia

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayay u bilaabatay booqasho uu ku marayo wadamada qaarada Eeshiya.

Booqashada Trump oo qaadan doonta 11 maalmood waxa uu ku tagi doonaa dalalka Japan, Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha, Vietnam iyo Philippine.

Waxa ay noqon doontaa booqashadii ugu dheereyd ee uu madaxwayne Mareykan ah ku tago dibadda muddo 25 sano ah.

Booqashada madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kacsan tahay xiisadda barnaamijka Niyukleerka iyo tijaabada gantaaladda Kuuriyada Waqooyi.

Mr Trump ayaa lagu wadaa in Kuuriyada Waqooyi iyo Japan uu u muujiyo midnimo iyo in ay hal dhinac ka soo wada jeedaan.

Sidoo kale madaxwayne Trump ayaa la filayaa in Shiinaha uu ku cadaadiyo in ay mowqif adag ak qaataan xukuumada Pyongyang.

Madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay horey isu waydaarsadeen hanjabaado iyo hadalo kulul.

Xilligii ugu dambaysay oo madaxwayne Mareykan ah uu booqasho sidan u dheer uu ku tago wadamada Eeshiya ayaa ahayd mar madaxwayne George HW Bush uu booqday dabayaaqadii sanaddii 1991 iyo horraantii 1992,hoos ka daawo muuqaalka.