Video:-Waftigii siday Deeqdii Puntland oo gaaray Magaalada Muqdisho

Dhaqaalaha uu qaaday waftigaas ee gargaar laga ururshay shacabka iyo xukuumada Puntland ah looguna talagalay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii isgoyska Soobe 14-kii Oct ee sanadkan ayaa gaaraya Nus Malyuun lacagta Maraykanka ah.(500,000 oo dolar).
 
Puntland ayaa ah halkii ugu horeysay ee dhul Somaliyed ah ee looga gurmado dadkii masiibada Soobe ay ku dhacday, Dowlada Puntland ayaa si deg-deg ah maalmo gudahood ku gaarsiisay muqdisho Diyaarad siday dawo iyo agab kale.
 
Gurmadkan maanta anba baxay ayaa ah wajigii labaad ee ugurmashada shacabkaas kana yimid shacabka iyo xukuumada Puntland.
 
Reer Puntland ayaa caan ku ah u istaagida iyo ugurmadka walaalaha kale ee Somaliyed waxayna mar walba door muuqda ku lahaayeen ka qayb qaadashada masiibooyinka lasoo gudboonaada bulshada Somaliyed,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka