Video:-Wasiirka Qorshaynta Fadaraalka Oo Baarlamaanka hortagay

Jamaal Maxamed Xasan wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta hortagay xildhibaanada golaha shacabka.

Wasiirka ayaa ka jawaabayay su’aalo xildhibaanada baarlamaanka ay ka weydiinayeen dhismaha hay’adda Tirakoobka qaranka Soomaaliya.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in dhismaha hay’addan ay wax badan dalka kusoo kordhin doonto, haddii xildhibaanada golaha shacabka ay ansixiyaan.

Hay’addan oo qaban doonto tirakoobka shacabka Soomaaliyeed ka hor doorasho cod iyo qofkii ayaa xarumo ku yeelan doono gobolada dalka Soomaaliya, waxaana xarunta ugu weyn ay noqoneysaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada qorsheynta ee Xukuumada Soomaaliya Jamaal  Maxamed Xasan ayaa ka jawaabay Su’aalihii ay xildhibaanada weydiiyeen wuxuuna sheegay in talooyinka ay soo jeediyeen Xildhibaanada ay si wadajir ah ugu wada shaqeyn doonaan Guddiga golaha shacabka u qaabilsan arrimaha qorsheynta,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka