Wasaarada Qorshaynta Puntland Oo U kala diraysa Gobolada kooxo xog ururiyaal ah

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga,ayaa saaka tababarka xog ururin ah lagu qabatay,
 
Tababarka oo ku saabsan sidii loo ogaan lahaa saamayntii abaartu ay ku yeelatay xoolo dhaqatada ayaa lagu tababari doonaa xubno ka kala socda laamaha kala duwan ee dowladda.
 
Tababarkan ayaa socon doona mudo labo maalmood ah,iyadoo lagu baran doono sida loo ururiyo xogta iyo tuuliska kala duwan ee ay isticmaali doonaan.
 
Tababarkan ayaa markuu dhamaado waxay tababarayaashu aadi u kala anba bixi doonaan Gobolada kala duwan ee Puntland.
 
Sargaal ka socday hay’adda UNICEF ayaa ka hadlay tababarka sheegayna sida ay muhiim u tahay ina laga faa’iidasto tababarka si loo soo ururiyo xog sax ah.
 
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta Axmed Cawaale oo sharaxaya shaqada la qaban doono,ayaa tibaaxay abaartii dhacday dhowr bil ka hor ina ay masiibo ahayd hadaanan la helin xog muhiimana inaan laga gaashaaman karin.
 
Ugu danbayntii waxaa Tababarka furay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Siciid Faarax oo ah sii hayaha Wasiirka. Wasiirku waxaa uu faahfaahin dheer ka baxshay tababarka iyo sida loo soo ururinayo xogta xoolo dhaqatada.