Madaxda Soomaalida Oo heshiiyay iyo warmurtiyeedkii Oo goor dhaw soo bixi doona

Waxaa goor dhow la soo gaba gabeeyay shirkii Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada uga socday magaalada Muqdisho, iyadoo lagu saxiixay war murtiyeedkii ay ku heshiiyeen Madaxda.

Munaasabadda saxiixa heshiiska oo goor dhow soo dhamaatay ayaa waxaa saxiixa kaddib khudbado jeediyay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga Dowladaah xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka..

Shirkan oo qaatay muddo 8 cisho ayaa ugu dambeyn Madaxda ku heshiiyeen qodobadii la isku hayay ee sababay in shirka dheeraado.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa akhriyay War murtiyeedka ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

 

Qodobada lagu heshiisyay ayaa waxaa ka mid ahaa:-

 

Arrimaha Siyaasadda.

In la isku ixtiraamo cid kasta awoodaha uu dastuurka siinayo iyo in la sameeyo xasilooni siyaasadeed,

Arrimaha Amniga

In dib u habeyn iyo dardar gelin lagu sameeyo Heshiiskii Amniga ee Shirkii London, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si wadajir ah u qaadaan duulaan ka dhan ah Al-habaab, in la xoojiyo dhismaha Ciidamada qalabjka sida.

Dastuurka

in Maamul goboleedyada Baarlamanaadooda laga qeyb geliyo dib u eegista iyo dar dargelinta dastuurka, kaddibna loo soo gudbiyo Hey’addaha Federaalka iyo Guddiyada madaxa banaan ee Dastuurka.

Madaxda ayaa waxay soo dhoweeyeen hanaanka ay u socoto Doorashada Somaliland ee dhaceysa 13-ka bishan November, waxaana ay u rajeeyeen in si nabadgelyo ay ku soo dhamaadaan.

Goor dhow la soco war murtiyeedka shirka