Madaxweyne Axmed Madoobe Oo ka qaybgalay gunaanadii shirka Muqdisho

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ee Somaliyed Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada Fadaraalka Soomaaliya kaga qayb galay gaba-gabada shirka Madasha Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.
 
Shirkan oo qaatay muddo 8 cisho ayaa ugu dambeyn Madaxda ku heshiiyeen qodobadii la isku hayay ee sababay in shirka dheeraado.