Video:-Shirkii wada tashiga Wasaaradaha Warfaafinta Soomaaliya Oo soo idlaaday

Agaasimeyaasha Telefishannada Qaranka (SNTV), PuntlandTV (PLTV), Jubaland
TV iyo Koofur Galbeed Soomaaliya (KGSTV) waxa ay ku heshiiyeen arrimaha
soo socda:

 

1- In ay is dhaafsadaan wararka iyo barnaamijyada
2- In Telefishanka Qaranku ka taageero Telefishannada Dawladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka dhanka Tababarrada, farsamada iyo Qalabka.
3- In Telefishanka Qaranku siiyo telefishannada dawladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka
xafiisyo ay ku shaqeeyaan, telefishannada dawladladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalkuna ay
sidoo kale xafiisyo siiyaan wakiillada SNTV.
4- In Telefishanadu ay wadaagaan farriimaha iyo barnaamijyada
wacyigelineed ee dowlad dhisidda xoojinaya heer Federaal iyo Heer
Dowlad-goboleedba, sidoo kalena ay baahiyaan farriimo iyo barnaamijyo
mideysan oo bulshada looga wacyi gelinayo xagjirnimada.
5- In Telefishannadu sameeyaan tabin mideysan xilliyada ay lagama
maarmaanka tahay.

 

Hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka