Al-Shabaab Oo ku toogtay Bu’aale Afar-qof Oo ay ku….

Ururka Al-Shabab ayaa maanta sheegay inay afar nin ku toogteen magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.
 
Wararka ayaa sheegaya inay Al-Shabab raggaasi ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen. Afarta qof ee la toogtay ayaa la sheegay in saddex ka mid ah ay ka tirsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab halka mid kalena uu ahaa shacab.
 
Eedaha ay Al-Shabaab usoo jeediyeen raggaasi ayaan si madaxbannaan loo xaqiijin maadaama maxkamadaha Al-Shabaab aysan ahayn kuwo u furan dadweynaha.
 
Al-Shabaab ayaa deegaannada ay gacanta ku hayaan ka fuliya xukunno iskugu jira dil, xabsi iyo jirdil kuwaasi oo ay cambaareeyeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.