Dhagayso:-Khayre iyo Wasiirka Batroolka Oo isku khilaafay shirka Batroolka Somaliya

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa ku baaqay in la joojiyo shir la sheegay in horraanta sannadka soo socda lagu qaban lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayo saliidda, gaaska iyo macdanta Soomaaliya.

Wasiirka Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa warqad uu u qoray shirkad lagu magacaabo International Research Network oo la sheegay inay shirkaasi qabanqaabinayo ugu sheegay  in wasaaraddu aysan waxba ka ogayn, waxna ka qorshaynin shirkaasi loona baahan yahay in degdeg looga noqdo.

Wasiirka ayaa sidoo kale cadeeyay in waxba aysan ka ogayn shirkaas la sheegay iyo warqad la sheegay in ay kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha taasoo muujinaysa in shirkaas dolwada Soomaaliya ay uga qaybgali doonaan Ra’isalWasaaraha iyo Wasiirka batroolka,hoos ka dhagayso codka..

 

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Wasiirka