Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ka qayb galay fadhiga Shan iyo Tobnaad ee Kal-Fadhiga labaad ee Aqalka-Sare.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho kaga qayb galay fadhiga shan iyo Tobnaad ee golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo lagu casuumay Dowladaha Xubnaha ka ah JFS.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu amaanay soo dhawaynta ay golahu u sameeyeen isagoo sheegay in uu rajo badan ka qabo in Aqalka Sare uu helo matalaad rasmi ah si loo helo jawi xasiloon oo ay ku wada shaqeeyaan Dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboleedyadu.

Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu sheegay in awoodaha dastuuriga ah ee Aqalka sare ay tahay in la adkeeyo oo la kala cadeeyo si uu u noqdo mid dalka anfaca.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ay diyaar la yihiin Dowlad Goboleedyadu wax walba oo ay u baahan yihiin Aqalka sare.

Gudiyada Aqalka ayuu Madaxweynahu xusay in ay kulmadooda caadiga ah ku qaadan karaan Xarumaha Dowlad Goboleedyada oo lasoo dhawayn doono.

Ugu danbayntii Madaxweynahu wuxuu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la abuuro jawi xasilooni siyaasadeed ah oo lagaga boxo dhibaatada dalka ka jirta saamaxaysana in Argagixisada meel looga soo wada jeesto si dalka loo xoreeyo.