Ciidamada Amisom oo la dhimayo

Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in la dhimayo ciidamada ka jooga Soomaaliya ilaa 1000 askari dhammaadka sannadkan.

Madaxa hawlgalka AMISOM Franscisco Madeira ayaa maanta ugu sheegay weriyayaasha magaalada Muqdisho dhimista ciidanka darted uu jiri doono dhaqdhaqaaq badan oo ciidamada AMSIOM ah waxaase uu ka digay inaysan arrintaasi noqonin mid keenta argagax.

Maderia waxa uu mar kale ku celiyey in ka bixitanaka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ay u dhici doonto qaab wejiyo leh, isla markaana ay ku xirnaan doonto xaaladda ka jirta gudaha Soomaaliya.

Haaruun Macruuf ayaa warbxiintan ka diyaariyey,hoos ka dhagayso codka.

 

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan