Cabdi Warsame oo xajistay kursigii golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis

Cabdi Warsame oo xajistay kursigii golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo uu hore ugu fadhiyay.

Mursharaxa Cabdi Warsame ayaa ka guuleystay Maxamuud Nuur oo ay xisbiga dimuquraadiga ka wada tirsanaayeen iyo Faadumo Yusuf oo matalaeysay xisbiga Jamhuuriga. Cabdi Warsame ayaa helay 3603 cod halka Maxamuud Nuur codadka uu helay ay noqdeen 3370 cod.

Doorashada Cabdi Warsame iyo Maxmaud Nuur ayaa ahayd mid aad loo hadal hayey,Maxamud ayaa loolankiisa aad u adkeeyay bilahii danbe iyagoo warbaahinta isku adeegsan jiray hadalo aad u  adag, dhanka Maxamud oo ay taageerayaan Xildhibaano aqalka Gobolka looga taliyo ay Cabdi ku eedeeyeen inuu ka soo horjeedo guursiga dadka isku jinsiga ah,inuu sharciyo badan ugu hiiliyey dadkiisa.

Maxamud Nuur ayaa waxaa ka biyo diiday guusha Abdi waxaana  qoraal uu u gudbiyay taageerayaashiisa uu ku sheegay inaan laga guuleysan, isla markaana ay u dagaalami doonaan sidii lagu hubin lahaa in cod kasta la tiriyey uu sax ahaa. noor ayaa qoraal ku sheegay sidaa.