Dhalinyarada Isxalqaamayaasha Hormarinta Puntland Oo soo afmeeray shirkoodii Galkacyo

Maanta oo ay taariikhdu tahay 9/11/2017 waxaa si habsi leh u soo gabagaboobay Shirweynihii Dhallinyarada Isxilqaamayaasha Puntland kaas oo ka socday muddo labo maalmood ah Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ,
 
Waxaa ka soo qeyb galay dhalinyaro ka kala timid todoba degmo oo isxilqaamayaal ah kuwaasoo kala ah :
 
 Hormuudka Horumarka –Gaalkacyo Mudug.
#WaanAwoodnaa –Garoowe Nugaal.
 Hormuud baynu nahay – Qardho Karkaar.
 Dal-Iftiinshe – Carmo Bari.
 Daldhis –Waaciye Karkaar.
 Hagran mayno – Badhan Sanaag.
 Horumarku Waa Annaga –Bosaaso Bari.
 
Warmurtiyeedkaan ka kooban 10 qodob ayaa ka soo baxay Shirweynihii Dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland kaasoo ay Martigaliyeen dhallinyarada Hormuudka Hormarka Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo kaashanaya Maamulka Dowlada Hoose ee Gaalkacyo.
 
Warmurtiyeedkan oo ay ku mideysan yihiin dhammaan Isxilqaamayaasha Puntland ayaa uqornaa sida tan:-
 
 
1. Shirweynaha Wadatashiga Dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland waxa uu inta uu socday shirka ay doorteen gudi ay ku mideysan yihiin Isxilqaamayaasha Hormarinta Puntland ka kooban 15 xubnood .
 
2. Guddiga isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxa uu u taagan yahay isku xirka , iskaashiga iyo midnimada isxilqaamayaasha hormarmarinta Puntland.
 
3. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxa uu wada shaqeyn iyo xirir joogta ah la yeelanayaa dhamaan ururada bulshada, dalada dhalinyarada Puntland ee PYAN iyio cidkasta oo ka shaqeynaysa hormarinta bulshada .
 
4. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland wuxuu ka madax bannaan yahay arrimo siyaasadeed IWM.
 
5. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxay qabanayaan kulamo ay isugu yimaadaan dhammaan Isxilqaamayaasha Puntland kaas oo lagu dhiirigalinayo dhalinyarada laguna soo bandhigayo waxqabadkooda.
 
6. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxa ay baahinayaan dhammaan waxqabadyada hormarineed lana gaarsiiyo dhammaan deegaannada Puntland .
 
7. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxa ay wadashaqeyn layeelandoonaan dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan sida Culimada,Ganacsatada, Waxgaradkii, qurbo joogta IWM.
 
8. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxay ka shaqeynayaan ka mira dhalinta waxqabadyada hormarineed ee ka socda deegaanada Puntland iyadoo lasameynayo qorshayaal cusub oo hormarineed .
 
9. Xubnaha Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxa uu shaqayndoonaa mudo hal sano ah .
 
10. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxay ugu baqayaan dhalinyarada Puntland iyo dhalinyarada soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka .
 
Waxaa si wada jira u saxiixay dhamaan gudoomiyayaasha isxilqamayaasha puntland.