Madaxweyne Dowladda Puntland Gaas Oo Ku Soo Wajahan Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa la filayaa in uu Si Deg Deg U Yimaado Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobalka Mudug.
 
Madaxweyne Gaas ayaa Safarkiisu Ku Qotama Isbedel Balaaran Oo Uu Ku Sameynayo Maamulka Gobalka Mudug, Kan Degmada Gaalkacyo & Taliska Booliska Gobalka Mudug.
Odayaasha, Iyo Waxgaradka Puntland Ee Gobalka Mudug, ayaa Madaxweynaha Mudooyinkii Ugu Dambeeyay U Gudbinayay Cabasho La Xiriirta Waxqabad La,aan baahsan oo ka jirta Gobalka Mudug Iyo Magaalada Gaalkacyo,
 
Ammaanka Oo Si Xumaanaya Iyo In Uusan Jirin Shaqo Ka Socota Xafiisyada Maamulka Iyo Kan Degmada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Ayaa La Filayaa In Uu Si Deg Deg Ah U kala diro Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, Oo ah Sida la Rumeysan yahay Golihii Ugu Waxqabadka Liitay Ee Soo Mara Gaalkacyo.
 
Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland, Eng Camey, Oo Dhawaan yimid Gaalkacyo ayaa la filayay in uu kala dirro Golaha Deegaanka Gaalkacyo, balse Codsiyo Fara Badan oo Uga yimid Qaar ka mida Waxgaradka Gobalka ayaa Baajiyay Sida ay Ii Xaqiijiyeen Ilo Rasmi.
 
Magaalada Gaalkacyo ayaa aad looga dareemayaa Ammaan Darro, Shaqada Xafiisyada Maamulka Iyo Degmada Oo Aan Soconeyn & Xaalado Caafimaad Darro Oo Ka Dhalatay Biyihii Roobka Oo Iyagoo Madoobaada Weli Yaalla Suuqyadii Iyo Goobihii Ay Ku Badnaayeen Dadweynuhu.