Qaramada Midoobey Oo soo saartay warbixin sheegaysa in kooxda Daacish ay ku sii fideyso Puntland

Warbixinta oo ay soo saareen Khubaro ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya ay ku sii fidiyaan deegaannada Puntland.
 
Warbixintan oo ay daabacday Wakaladda Wararka ee Reuters ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay tirada Daacish ee sanadkii hore in ay ahaayeen tiro Toboneeyo ah, hadana ay marayaan 200 oo qof.
 
Sidoo kale warbixintan Qaramada Midoobay ay soo saartay ayaa waxaa lagaga digay tirada kororka ee Daacish in ay fududeyn karto in xubnaha Daacish ee ka soo baxsanaya dalalka Iraaq iyo Syria in ay ku soo dhuumaaleystaan Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
 
Geesta kale Kolonel C/raxmaan Saciid oo ka tirsan Puntland ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in tirada Daacish-ta joogta Puntland sii kordheen, kuwaasi oo badankooda ka yimid Koonfurta Soomaaliya iyo dagaalyahano shisheeye.
 
“Qeybta Daacish ee daacada u ah Sheekh C/qaadir Muumin, waxaa lagu qiyaasay sanadkii 2016-kii Toboneeyo, hada waxa ay marayaan 200, Kooxda Daacish waxaa u badan dhalinyaro ka soo jeeda Koonfurt Soomaaliya, sidoo kale Ajaanib ayaa qeyb ka ah.” ayaa lagu yiri Qoraalka QM.
 
Saddexdii November Duqeyn degaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland lagula beegsaday xubno ka tirsan Daacish ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 10 qof oo ka tirsan xubnaha Daacish, weerarkaasi waxaa geystay Diyaaradaha Mareykanka.