Video:-Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Shiinaha oo kulan ku leh Beijing

Donald Trump Madaxweynaha Trump ayaa kulan la qaadanaya dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping, xilli Trump oo ku gudo jiro maalintii labaad ee booqashadiisa uu ku joogo Beijing.
 
Madaxweyne Trump ayaa la filayaa in uu dhiggiisa Shiinaha ka dhaadhiciyo in uu cadaadis ku saaro in ay joojiso barnaamijkeeda Niyuukleerka, arrintaasi oo ah ujeedada ugu muhiimsan ee socdaalkiisa uu ku marayo qaaradda Aasiya.
 
Waxaa lagu wadaa sidoo kale in labada hoggaamiye ay ka wada hadlidoonaan arrinta xasaasiga ah ee ku saabsan ganacsiga.
 
Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay Shiinaha hab dhaqan ganacsi oo aan caddaalad ku dhisnayn.
 
Madaxweyne Xi ayaa gelinka dambe ee maanta waxa uu casho sharaf u sameyn doonaa madaxweynaha martida u ah ee Mareykanka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka