Uganda Oo ku dhawaaqday in Ciidamo cusub ay usoo dirayso Somaliya

War qoraal ah oo ka soo baxxay Taliska ugu sareeya Milatariga Dalka Uganda ayaa lagu bar bar istaagay Howlgalka Soomaaliya looga dul qaadayo Dagaalamyaasha Al-Shabaab kaas oo ay dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonto Howlgalkaas Islamarkaana ay ku caawin doonto wax kasta oo lagu helayo Nabad iyo daganaansho.

Uganda ayaa sheegay in ay  Soomaaliya u direyso ciidamo gaaraya 5, 000 oo Askari, kuwaaa oo ka madaxbanaan howlgalka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay qeyb uga qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab hadii ay u baahato Dowladda Soomaaliya.

Brig. Richard Karemire, oo ah Afhayeenka ciidamada difaaca dalka Uganda oo la hadlayay Xinhu ayaa sheegay in Uganda iyadoo matalaysa dalalka Pan-Africans-ka ah in ay diyaar u yihiin in ay ciidamo u dirto Soomaaliya .

“Waxaan mar walbo diyaar u nahay in aan tiro kasto aan u dirno Soomaaliya Uganda ahaan iyo iyo Pan-Africanis, ahaan intaba, waxaana u baahan nahay xooggaa taageero ah” ayuu yiri Karemire.