Jubbaland oo Puntland ku wareejisay eedaysane .

Maamulka jubaland ayaa maanta diyaarad soo saaray Cabdirisaaq Warsame oo gabar magaceeda la yiraahdo faaisa Tacadi ugu gaystay magaalada boosaaso una baxsaday magaalada kismaayo .
Soo qabashada eedaysanahan waxaa iska kaashaday Dawladda puntland iyo jubbaland waxaana dhowaan la Rajaynayaa in maxkamada lasoo saaro .

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan sheegay in Askarigaas oo ka tirsan ciidamada Badda Puntland la maxkamadeyn doono.

Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahad celiyay ciidamada sirdoonka jubbaland ee soo Qabtay eedaysanaha .

Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga mahad celiyay puntland sida ay uga qayb qaateen in ninkan gacanta lagu soo Dhigo isla markana ay u aqbaleen in Cadaallada lagu mariyo halkii uu danbi kasoo galay.


Idilnews.com
Xafiiska Kismaayo