Madaxweynaha Puntland oo Degmada Dhudhub U Magacaabay Guddoomiye iyo Ku-xigeen

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 134 November 11 2017  ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Dhudhub  Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                   Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:              Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cali Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay

Guddoomiyaha degmada Dhudhub.

 

 

2. Waxaa Jaamac Maxamed Saciid si ku meel gaar ah loogu magacaabay

Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Dhudhub.

 

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiisay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=