Cutubyo cusub oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa gaaray Hadaaftimo .

Cutubyo cusub oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa maanta tegay magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxayna ciidamadani ka yimaadeen magaalada Bosaso kuwaasi oo ka hortgaya sanaadiiqda doorashoyinka Somaliland in la keeno deegaamadaasi oo Puntland katirsan.

Sidoo kalle xalay ayaa waxaa gaaray magaalada Baran ee gobolka Sanaag wasiirka amniga Puntland Cabdilaahi Yuusuf Dawlad iyo wafdi uu hogaaminayo.

Puntland ayaa horay u sheegtay inaanay ogolaan doonin deegaamada ay maamusho ay saameeyaan doorashooyinka somaliland ,waxaana sidoo kalle arrintan go’aan kasoo saaray baarlamaanka Puntland oo u sheegay dowladda inay difaacdo xuduudaheeda.

Shacabka magaalada Baran ee gobolka Sanaag ayaa soo dhoweeyey wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay inaanay aqbali doonin doorashooyinka Somaliland in laga qabto deegaamadooda.