Dheagayso :Wasaarada Ciyaaraha Puntland oo magacowday Guddi dalka iyo dibedda dhaqaale uga soo ururiya dhismayaasha Garoomada kubadda cagta Puntland

Wasaarada shaqada shaqaalaha iyo Ciyaaraha Puntland ayaa magacowday Guddi dalka iyo dibedda dhaqaale uga Soo ururiya dhismayaasha Garoomada kubadda cagta ee Puntland oo horumarin lagu samayn doono garoomadan ayaa loo dhisi doonaa heer gaarsiisan garoomada caalamka.

Guddigaasi waxaa gudoomiye looga dhigay samafale Mohamed Yusuf Tigey halka xogheynta guddigaasina loo Magacaabay Ummal Khayr Cawad
Halkan ka dhegayso Khudbado ay kulankaas ka jeediyeen Wasiirka shaqada shaqaalaha iyo Ciyaaraha Puntland ,Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo gudoomiyaha Gobolka nugaal.