Dhegayso:Ciidamada Nisa oo weeraray guriga Askarigii qabtay Raggii weeraray hoteelka Naasa hablood 2.

Cali Maxamed oo ah askari ka tirsan Ciidamada xoogga Soomaaliya oo sheegay in uu ahaa askarigii qabtay markii ay Gurigiisa galeen qaar ka mid ah raggii ka tirsanaa Shabaab ee 28,kii Bishii Octoper ee Sanadkan weeraray Hotelka Naasa Hablood Muqdisho.

Askarigan oo Wareysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha muqdisho ayaa sheegay in ay Saaka soo weerareen gurgiisa ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida iyo Booliiska Soomaaliya oo doonayay inay qabtaan.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay timid kadib markii Saddex ka mid ah ragii weeraray Hotelkaas uu si xeeladeysan u qabtay abaalgud looga dhigay in Caruurtiisa la xiro marna isaga Gurigiisa lagu soo weerararo.

HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO WARAYSIGA ASKARIGA