Hay’adda la dagaalanka cudurka AIDS-ka PAC ayaa qabatay wacyigelin la xiriirta Ka hortegida Takoorka dadka la nool cudurka HIV/AID.

Hay’adda la dagaalanka cudurka AIDS-ka (PAC), ayaa qabatay kullan looga hadlayay jojinta takoorka iyo dhaleecaynta lagu hayo dadka la nool cudurka HIV/AIDS, ee ku nool Puntland

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay dad ka socday qeybaha kala duwan ee bulsahda, sida nabaddoonada, haweenka dhalinyarada iyo masuuliyiin katirsnan hay’addaha dowladda.

Hay”ada la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee puntland ayaa sheegtay inay kulankan u qabatay inay bulshadu u naxariistaan dadka la nool cudurkaas lagana joojiyo takoorka loona fududeeyo waxyaabaha la macaamilka dadka .

Dr. Cabdirisaaq Xasan (Tubaako) ayaa sheegay takoorida iyo caawin la’aanta dadka la nool cudurkaan inay keenayso in cudurku sii faafiso oo dhibaatadiisu ay sii balaarato.

 

Guddoomiyaha dallada dadka la nool cudurka AIDS-ka, ee Daryeel, Cabdalla Maxamad Muuse ayaa madasha kullanka ka sheegay in magaalada Garowe uu aad ugusii faafayo cudurkaan, waxaana uu sheegay dadka qaba inay gaarayaan 166 qof. Cabdallada wuxuu sheegay kororka inuu keenay wacyi galinta cudurkaan oo hooseeya.

Madaxda dhaqanka ee kulanka ka qayb galay ayaa ku baaqay in dadkaas si fiican loola dhaqmo waxayna dawladda ka codsadeen in miisaaniyad gaar ah loo sameeyo si ya daryeel fiican u helaan .

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Cali Salaad Diiriye Faarax, ayaa sheegay in xag diin iyo xag dhaqanba ay gef ku tahay in la takooro dadka ka nool cudurkaan, wuxuuna sidoo kale dadka cudurkaan qaba ugu baaqay inay iyagana ka feejignaandaan inay bulshada ku dhex faafiyaan.

Agaasimaah hay’adda PAC, ayaa sheegay kullankaan inuu qeyb ka yahay ol’ole balaaran oo ay ku midaysan yihiin hay’addaha dowladda iyo shacabka, kaasoo la doonayo in lagu joojiyo takoorka ka dhan ka ah dadka qaba cudurkaan. Waxaa u guddoomiye qiray in la ogaaday takoorku inuu keenay in dadka qaba iyaguna cadowtinimo ufaafiyeen cudurka.
Hay’adda PAC ayaa udiyaar garoobaysa xuska maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka aduunka oo ku beegan kowda bisha December ee sanadkaan.