In ka badan 320 qof oo ku dhintay dhul gariir ka dhacay Ciraaq.

Dhulgariir xoog badan oo cabirkiisu yahay 7.3 ayaa ku dhuftay xadka waqooyiga ku yaalla ee u dhexeeya Iiraan iyo Ciraaq, kaas oo dilay in kabadan 200 ruux.

Ugu yaraan 320 ruux ayaa ku dhintay gobolka Kermanshah ee galbeedka dalka Iiraan, sida ay masuuliyiin u sheegeen warbaahinta dawladda.

Afar ruux oo kale oo dheeri ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Ciraaq. Waxay u badan tahay in dhimashadu ay intaas ka sii badato.

Dhulgariirka ayaa jahwareer abuuray, dadkuna waxay billaabeen in ay guryahooda ka cararaan oo ay wadooyinka tagaan.

Masaajidda caasimadda Ciraaq ee Baqdaad ayaa salaad iyo duco laga billaabay iyadoo codbaahiyeyaal la adeegsanayo.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ay waxyeeladu soo gaartay waxay ku sugnaayeen magaalada Sarpol-e Zahab oo 15km u jirta xadka labada dal, sida uu telefeshinka dawladda iiraan ee IRINN u sheegay madaxa gurmadka degdegga ah ee Iiraan, Pir Xuseen Koolivand,

Burburkana waxaa laga soo sheegay illaa siddeed tuulo, sida uu sheegay madaxa bisha cas ee Iiraan Morteza Salim