Taliska AFRICOM Ee Maraykanka oo sheegay in ay Qaadeen Sadex Weerar 24-saac Gudahood.

Mareykanka ayaa horay usheegay in ay kordhinayaan ololohooda ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish.

Duqaymahan oo ay Fuliyeen Diyaarado aan lamagacaabin ayaa waxaa lagu dilay Dagaalamayaal ka Tirsan Al-shabaab sida ku cad war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska maraykanka AFRICOM ee Qaaradda Africa uqaabilsan, qoraalkaas ayaa lagu sheegay in Sadexda Weerar oo is xig xigay uu Mareykanku ka Fulliyay gudaha Soomaaliya.

Mareeykanka waxaa Howlagaladaan kala shaqeyay Dowladda Soomaliya sida qoraalka lagu sheegay.

Midka Koowaad ee Weeraradaas waxaa uu ka dhacay 4:30 Galabnimo ee Sabtigii Wuxuuna ka dhacay Goof-gaduud oo ka tirsan gobolka Bay 250 Mile na ujirta Muqdisho, waxaa Weerarkas ku dhintay Hal Dagaalame oo ka Tirsan Al-shabaab oo Masuuliyiinta Mareykanku aysan Aqoonsigiisa Shaacin.

Duqaynta Labaad waxaa ay dhacday Axaddii ku dhawaad 3-Aroornimo iyadoo la Beegsaday Xubno ka Tirsan al-shabaab oo ku sugnaa Shaeelada Hoose, goobta Weerarka Labaad uu ka dhacay wuxuu mareykanku kus sheegay Meel 40-KM Galbeed kaga Beegan Muqdisho.

Duqaynta Sadexaad waxuu Mareeykanku labeegsaday Ururka Daacish ee kusugan Gobolka Bari, wuxuuna Weerarkaasi dhacay 9-Subaxnimo ee Axaddii shalay wuxuuna ahaa Weerarkii Labaad ee Mareykanku uu la Beegsado Uruurka Daacish ee Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in Mailitary-ga Mareykanka ee Qaaradda Africa uu sii wadi doono Taageeradda uu siinayo Ciidamadda Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, si looga Adkaado Al-shabaab.