Wasiirka Amniga Fadaraalka Oo Kismaayo Gaaray Galabta

Wasiirka wasaarada amniga Gudaha ee dawlada faderaalka ee soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow. Ayaa maqrib nimadii caawa  soo gaaray Magaalada kismaayo xarunta Kmg ah ee Jubaland.

Wasiirka Amniga Fadaraalka ayaa waxaa Garoonkadiyaaradaha Magaladda Kismaayo kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dawlada Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur iyo muusuliyiin ka tirsan labada gole ee Dawlada Goboleedka Jubbaland

Labada wasiir ayaa saxaafada kula hadlay qaybta nasashada ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kusoo dhaweynta Wasiirka amniga gudaha ee Dawlada Faderaalka Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Amniga Fadaraalka Maxamed Abuukar Ducale Islow ayaa uga mahadceliyey Wasiirka amniga iyo masuuliyiinta kale ee ku soo dhawayntooda ,isla markaana wxuu sheegay in uu Kismaayo u yimid sidii meel looga soo wada jeesan lahaa cadowga umada somaliyed ee Al Shabaab

Socdaalka Wasiirka Amniga Fadaraalka,ayaa kusoo beegmaya xili maanta uu ka furmay Magaalada Kismaayo shir ay ka qayb galayaan Wasiirada Wasaaradaha Amniga ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.shirkaas oo  maal maha soo socda lasoo gaba gabayn doono.

 

Xaafiiska Wararka Idil News kismaayo