Wefti ka Socda Dawladda Puntland oo Gaadhey Magaalada Xingalool.

Wefti kasocda dawladda Puntland ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 13 Nov 2017 gaarey magaalada Xingalool ee gobolka Haylaan, halkaasi oo ay shacabka magaaladaasi kala qayb galeen banaanbaxyo lagu tageerayo dawladda Puntland iyo kuwo looga soo horjeedo maamulka Soomaliland.

Weftigan gaadhey magaalada Xingalool ee goblka Hayland ayaa waxaa hogaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland  Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Banaabaxa ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Hayland ayaa waxaa sidoo kale shacabka Magaaladaasi kala qayb galay Guddoomiyaha gobolka Hayland iyo taliyayaasha booliiska ee goboladda Sanaag iyo Hayland.

Dadka banaanbaxayay oo lulayay calamada Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed iyo calanka dawladda Puntland ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo shucuuri ku dheehan tahay kuwaas oo ay  kaga soo horjeedaan doorasho kusheegga khasabka ah ee maamulka Soomaaliland, isla markaana waxa ay muujiyeen taageeradooda ku adaan dawladda Puntland, waxana ay ku wareejiyeen masuuliyiinta dawladda Puntland ee kala qayb gashay banaanbaxani  kaararka codaynta doorashada maamulka Soomaaliland oo hore loo siiyay.

Sidoo kale magaalooyinka Hadaaftimoiyo Ceelbu ee gobolka sanaag ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo  ballaadhan oo looga soo horjeedo metelaadda doorasho ee ka dhacaysa maamulka Soomaaliland, waxaana ka qaybgalay kumanaan kun oo qof kuwaas oo aaminsan qadiyaddooda Soomaalinimo iyo tan Puntland-nimo kana soo horjeeda faragelinta qaawan ee maamulkaasi Soomaaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Hayland Maxamed Cawil Cabdullaahi oo la hadlay banaanbaxayaasha magaalada Xingalool ayaa  waxa uu sheegay in ay ka hortageen kooxo doonayay inay si qarsoodi ah doorashada uga dhacdo degmooyinka gobolka, isagoo tilmaamay in dhammaan degmooyinka gobolka Hayland aysan ka dhicin wax doorasho ah.

Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland  Sucaad Saalax Xaaji Nuur ayaa waxay sheegtay in shacabka magaalada Xigalool ay muujiyeen dareenkooda iyo sida aysan raali uga ahayn doorashada maamulka Soomaaliland oo ay ku tilmaamtay mid khasab ah, oo aysan dadku raali ka ahayn.

“Waxaan idiinku hambalyaynayaa sida aad u diideen sanaadiiqdii la idiin keenay oo la doonaayey inaad khasab ku codaysaan, dad aan idiin tirsanayn oo degaankiina u yaqaan magac cuyaal ayaad maanta u muujiseen dareenkiina iyo qadiyaddiina waddaninimo,” ayay tiri Wasiir Sucaad.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa goobta banaanbaxa ku soo bandhigay kaararkii codaynta ee doorashada Somaliland, kuwaas oo ay ku wareejiyeen Shacabka Magaaladaasi,  waxaana uu fariin u diray Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, isagoona sheegay in shacabka reer Sanaag iyo Hayland yihiin dad leh qadiyad, tariikh soo jireen ah, mid geesinimo oo ay iskaga dhiciyaan cadawgooda sida ay horeba taariikhdu u qortay, Isla markaana waxa u nasiib daro ku tilmaamay in Muuse Biixi sheegto waanu hayn oo ah inuu yahay nin talin jiriy, waxaana uu u cadeeyey muumulka Soomaaliland in ay shacabka labadaasi gobol hore iyo haatanba ka tashteen doorashadooda beenta ah ee lagu majara habaabinayo beesha caalamka iyo shacabka rayid ka ah ee maamulkaasi.