SAWIRO :Ciidamo ka tirsan Amisom oo qarax lagula beegsaday Muqdisho .

Muqdisho : Qarax Gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degaanka Weedow,waxaana la sheegay in Qaraxa lala Beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu Geystay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac,waxaana Dadka Qaraxa ku dhintay ku jira Dad Shacab ah oo goobta ka dhowaa

Qaraxan oo ahaa Ismiidaamin ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada AMISOM lagula eegtay degaanka Weedow xilli halkaasi ay marayeen Kolonyo AMISOM .

Qof ka mid ah dadka degaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu arkay gaari nooca NOAHAda la yiraahdo oo ku Qaraxday Meel banaan oo barxad ah markii ay gudbeen Ciidamada AMISOM

 

Goobta qaraxa Ismiidaaminta uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Saraakiisha ciidamada ammaanka, waxaana ay xireen goobta iyadoo uu socdo Baaritaan.

Ciidamada AMISOM ee qaraxa Ismiidaaminta lala eegtay ayaa ka yimid dhanka wadada Afgooye, waxaana ay u soo socdeen Magaalada Muqdisho.