Jubaland:-Laamaha amaanka Oo gacanta ku dhigay walxaha Qarxa iyo Ragii watay

Ciidamada Amaanka Dowlada jubaland gaar ahaan kuwa ka hawlgala Degmada Luuq ayaa howlgalo ay Ka sameeyeen Degmadaas waxay kusoo qabteen Walxaha Qarxa iyo Rag watay.
 
Maamulka Degmadda Luuq ee Gobolka Gedo ayaa meel fagaare ah shacabka ugu soo bandhigay Walxha Qarxa ee ay qabteen iyo Ragii watay.
 
Ragan eedeysanayaasha ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ahaayen Rag si weyn looga yaqaan deegaanka,iyadoo mid ka mid ah uu ka shaqeyn jiray Isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala Degmada Luuq.
 
Saraakiisha hogaamisa Ciidamada Amaanka oo saxaafada la hadlay,ayaa sheegay in Ragan ay ka tirsan yihiin Ururka Al shabaab.
 
La soco wararkayaga danbe iyo waxii kasoo kordha hawlgalkaas.