Madaxii ololaha Doorashada Musharax Ciro oo jirdil iyo xabsi la isugu daray.

Hargeysa : Xamse Khayre oo ah  Madaxii ololaha Doorashada Musharax madaxweynaha soomaliland ee xisbiga Wadani ayaa ciidamada somaliland jirdileen markii dambe ay xabsiga u taxaabeen sida uu Pagekiisa Facebookga goor dhoweyd ku shaaciyey Cabdiraxmaan musharaxa madaxweyne ee xisbiga wadani .

Musharax Ciro ayaa qoray sidan

“Waxaan Cambaaraynayaa Xadhiga iyo jidh dilka loo gaystay Gudoomiyihii Kaambaynka heer qaran ee Xisbiga Waddani Xamse Khayre . Shacabku ha is dejiyaan meeshii u fiicnayd ayaa wax waliba innoo marayaan.”