Madaxweynaha Puntland oo Degmada Xumbays U Magacaabay Guddoomiye iyo Ku-xigeen

Garoowe)Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 136 November 13 2017  ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Xumbays  Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:             Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:       Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey:        Tala soojeedinta Wasaaradda

Arrimaha Gudaha Dawladaha

Hoose iyo Horumarinta Reer

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Axmed Yuusuf Cusmaan si ku meel gaar ah

loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada                    Xumbays.

 

2.  Waxaa Bashiir Maxamed Cali [Galla] si ku meel

gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka     degmada Xumbays.

 

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.